Boliska dalkaasi ayaa la sheegay inay xireen Saxafi lagu magacaabo Erick Kabendera, kaasi oo caan ku ahaa inuu dabagal baaritaan ku sameeyo Dhacdooyinka Xasaasiga ee ay Madaxda dalkaasi ku kacaan.
Taliyaha Guud ee Boliska dalkaasi, Simon Sirro ayaa xaqiijiyey inay Saxafigaasi shalay ka soo qabteen Hoygiisa oo ku yaalla duleedka caasimadda dalkaasi ee Dares Salaam
Saxafiga Erick Kabendera ayaa ah Saxafi madax bannaan oo wax ku qora dhowr Warbaahino Caalami ah, mana kala cadda sababaha loo xiray.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in koox Ciiddanka Dharka Cad u dhaceen guriga Saxfaiga, isla markaana lagu xiray Saldhigga Boliska si wax loo weydiiyo.