Sawirro:-Xubno ka tirsan Gobolka Banaadir oo la ciiday Caruurta Masuuliyiintii ku dhimatay qaraxii ka dhacay Xarunta gobolka

Siihayaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna gudoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir mudane Ibraahim Cumar Mahad-Alla (Ibraahim Dheere) iyo guddoomiye ku-xigeenka arimaha bulshada gobolka Banaadir Basma Caamir Jaketti ayaa maanta xarunta gurya Samo kula ciidestay caruurta agoonta ah oo ay ka baxeen madaxii iyo howl wadeenadii ku shahiiday iyagoo u adeegaya qarankooda.

Goobta ay masuuliyiintan caruurta agoonta ah farxada ciida kula qaadanayay ayaa waxaa goob joog ka ahaa qaar kamid waalidiinta iyo ehelada marxuumiinta shahiiday.

Siihayaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna gudoomiye ku-xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir mudane Ibraahim Cumar Mahad-Alla (Ibraahim Dheere) oo goobta ka hadlay ayaa tilmaamay in caruurta agoonta ay nooga baahan yihiin naxariis iyo garab istaag dhab ah si mustaqbalka dhaw ay noqdaan kuwa qarankooda iyo nolashooda anfaca.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media