Waxaa shalay oo ay taariikhdu ku beegneed 09-10-2018 Xafiiska diiwaan-gelinta xisbiyada guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranku uu guddoomay dokumintigii diiwaan-gelinta Xisbiga qaran ee “MIDOWGA NABADDA IYO HORUMARKA”, ka dib markii uu si dhamaysiran uga soo baxey dhammaan shuruudihii diiwaan-gelinta xisbiyada loo dhigay.
Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo ah wakiilka xisbiga UPD u qaabilsan arrimaha diiwaangalinta ayaa waxa uu galabnimadii shalay si rasmi ah uga qabtay madaxa diiwaan-gelinta xisbiyada siyaasadeed guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka dokumintiyada diiwaangalinta xisbiga UPD, hubinta dokumintiyadaas ka dib, waxaa la filayaa in xisbigu heli doono shahaadada xisbinimo ee qaran.
Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarku ayaa todobaadkii hore looga dhawaaqay Magalada muqdisho,waxaana guddoomiye KMG ah Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud,iyada oo ay qeyb ka yihiin Xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka.