Sawirro:-Xaflada Caleemo saarka Madaxweyneaha KG oo ka socota Baydhabo

Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa ka socota Xaflada Caleemo saarka Madaxweynaha Cusub ee Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed,kaas oo 19 Bishii tegtay ee December Sanadkii 2018 lagu doortay Magalada Baydhabo.

Munaasabada Caleemo saarka waxaa ku sugan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,Guddoomiyaha Golaha Shacabka,Wasiiro xildhibaan Xubno matalaya dowlad goboleedyada iyo wafdi ka socda Beesha Caalamka.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa khudbadii uu ka Jeediyay Munaasabadda waxaa uu kaga hadlay sida loo garab Istaagi karo Maamulka Cusub Ee KG, Isaga oo ku Amaanay sida uu ugu diyaar garoobay Qorshooyinkiisa Siyaasadeed Ee ku Aadan Maamulka KG.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale balan qaaday Isaga oo ka Wakiil ah Guddoonka Golaha Shacabka inuUu kala Qeyb qaadanayo Madaxweyne Lafta Gareen Ssdii loo sameen lahaa dib U Heshiisiin buuxda oo uu Lafta-Gareen Ku Dhawaaqay .

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabduulaahi Farmaajo ayaa ka mid ah Madaxda Xaflada Khudbada ka jeediyay,isaga oo dardaaran u jeediyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed  Cabdi Casiis Xasan Maxamed(lafgareen.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor