Sawirro:-Wejiga koowaad dib u heshiisiinta deegaanada Koonfur Galbeed oo la soo geba-gabeeyay

Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa xalay lagu qabtay munaasabad lagu soo xirayay wajiga koobaad ee dib u heshiisiinta deegaanada koonfur Galbeed iyo taageerida Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Munaasabada waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha golaha shacabka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ,Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha shacabka,madaxweynaha dowlad Goboleedka koonfur Galbeed soomaaliya ,wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Ugu horeyn  Xildhibaan Malaaq Aadan Ibraahim Dhaayow iyo wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in Muhiim ay tahay midnimada dadka Reer koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa ku dheeraaday waxyaabaha ugu horeeya ee maamulkiisa uu Xooga Saari doono isaga oo sheegay in qof walba oo ah oo Reer koonfur Galbeed uu heli doono adeegyada bulshada ee uu xaqa u leeyahay.

Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiwali Sheekh Ibraahim Muudey ayaa sheegay in horumarka iyo maamul wanaaga koonfur Galbeed ay ku xirantahay wada shaqeynta shacabka iyo maamulka koonfur Galbeed.

Guddoomiyaha Golaha shacabka ee JFS Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed uga mahad celiyay Howlaha dib u heshiisiinta ah ee uu wado isagoo la dardaarmay bulshada koonfur Galbeed.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor