Sawirro:-Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo shir muhiim ah kusoo xiray Magalada Muqdisho

Shir wadajir ah oo u dhaxeeyay Hay’adaha u xilsaaran Siyaasadda dalka iyo Guddiga Farsamo ee Wadaxaajoodka Arrimaha Federaalka oo ay soo wada qabanqaabiyeen Wasaaradda Arrimaha Dastuurka iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo miradhal noqday ayaa ku soo gabagaboobay magaalada Muqdisho.

Intii uu socday shirka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha Dastuurka, Federaaleynta dalka, Doorashooyinka, Hanaanka Cadaaladda ee Federaalka iyo Awood Qeybsiga.

Khubaro ka kala timid dalka gudihiisa iyo dibadiisa ayaa ka doodeen arimihiima uu ku saabsanaa shirka.

Wasiirka Arrimaha Dastuurka Mudane Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo gebagebada shirka ka hadlay ayaa ka mahadnaqay talooyinka ay soo jeediyeen khubarada.

“Waxaan doonayaa inaan u mahadceliyo aqoonyahanada ka soo qeybgaleen shirkan oo runtii soo jeediyeen talooyin wanaagsan oo ku saabsan arimihii looga hadlay shirka ee uu ka mid ahaa Dastuurka” ayuu yiri Wasiir Xoosh.

Waxaa kulanka soo xiray Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdi Maxamed Sabriye isagoo bogaadiyay doorka labada Wasaaradood ee qabanqaabiyay shirka.

Ugu dambayn, shirkan ayaa waxaa xigi doona shirar kale oo looga hadli doono arrimaha Hanaanka Cadaaladda Federaalka iyo Awood Qeybsiga.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor