Wafdi ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Luanda ee Caasimadda dalka Angola waxaa ay kaga qeyb galayaan Shirkii 5-aad Golaha Sare ee Garsoorka Afrika oo ay Soomaaliya xubin buuxda ka noqotay.
Shirkan ayaa waxaa dowladda Soomaaliya uga qeyb galaya oo ku matalaya Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Bashe Yusuf Ahmed iyo xubno kale oo ka socda.
Madaxwaynaha Jamhuuriyada Angola H.E Joã Manuel Gonçalves Lourenceç ayaa si Rasmi ah u daah-furay Shirkii 5-aad Golaha Sare ee Garsoorka Afrika,isla markaana waxaa looga hadlayaa arrimo dhowr ah.
Qodobada Shirkaas looga hadlayo ayaa waxa kamid ah dhawrista Datuurka iyo xuquuqda aasaasiga ah ee aadamaha iyo kaalinta Garsoorka iyo arrimo kale.
Inta uu Magaalada Luanda ee Caasimadda dalka Angola ku sugan yahay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Bashe Yusuf Ahmed waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaan Madaxda Sare ee ka qeyb galeysa Shirka,isagoona kala hadli doono arrimo ku aadan Garsoorka.