Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa gaaray Wafdi ka socday dowladda Soomaaliya,iyadoo halkaas siweyn lagu soo dhaweeyay.
Wafdigan ka socday ayaa waxaa hogaaminayay Wasiirka Wasaarada Cadalada iyo Garsoorka Dowlada federaalka Somaliya Xasan Xuseen Xaaji,isla markaana waxa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay xubno isugu jira Wasiiro xildhibaan mamulka Gobolka Baay iyo Mas’uuliyiin kale .
Wasiirka Wasaarada Cadaalada iyo Garsoorka oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu Mas’uuliyiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed uga mahadceliyay soo dhaweeyn ay u sameeyeen.
Wasiir  Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay inta uu ku sugan yahay Magaalada Baydhabo in wax badan ka qaban doonaan Arimaha Garsoorka iyo Cadaalada,isagoo xusay in halkaas laga dhisi Doono Saldhiga Dhexe ee Maxaabista.
Intaas ka dib Masuuliyiinta ayaa kormeerey Xarunta lagu dhisaayo Xabsiga waxayna indho indheeyey Suurtagalnimada in ay qaadayso goobaha kala duwan ee loogu talagalay Xabsiga.