Sawirro:-Shirweyne Qaran oo ka socda Magaalada Muqdisho

Shirweynaha Qaran ee soo bandhigida iyo xaqiijinta hanaanka dhab-u-heshiisiinta Qaran ayaan maanta ka furmay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Guddoomiyaha Aqalka Sare ee dalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi,Wasiirka Wasaarada Arrimaha gudaha Cabdi Maxamed Sabriye,Wasiirka ganacsiga Maxamed Cabdi Xayir Maareeye,Wasiiru-dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdulaahi Xamuud,xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka,xubno ka socda maamul Goboleedyada dalka iyo qeyb galay qeybaha kala duwan ee bulshada.

Shirweynaha Qaran ee soo bandhigida iyo xaqiijinta hanaanka dhab-u-heshiisiinta Qaran ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda Arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media