Shir sanadeedka garsoorka dalka ayaa maanta ka furmay  magaalada Muqdisho, kaaso looga hadlayo arrimaha xaaladda ah garsoorka iyo cadaalada dalka halka uu marayo.
Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb galaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Guddoomiyaha Maxkmadda Sare, Guddoomiyaha Maxkmadda Gobolka Banaadir, Wasiiro, Xildhibaano iyo xubno ka socda Maamul Goboleedyada dalka
Arrimaha shirkan looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah caqabadaha heysta garsoorka dalka iyo sidii loo tayeyn lahaa hay’aadddah garsoorka dalka, iyadoo wasaaradda cadaaladda ee dowladda federaalka ay ka warbixinayso xaalada garsoorka dalka.
Sidoo kale Shirkaan oo ay soo gaba-qaabisay Maxkmadda Sare ee dalka ayaa waxaa uu socon doonaa muddo laba maalmood ah, waxaana Khudbado ka jeedin doona Madax ka qey galeysa.