Dowladda Shiinaha ayaa Maanta oo jimco ah Agab ka kooban koobnaa gaadiid nooca dagaalka & agab kale oo Milateri ku wareejisay dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib Munaasabad ka dhacday Xarunta Dekedda weyn ee Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage iyo Madax ka socotay Wasaaradda Gaashandhiga Xukuumadda Soomaaliya ee xilgaarsiinta ayaa Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya Fei Shengchao kala wareegay gaadiidka iyo agab kale oo Milateri.
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo Taliye Odawaa ayaa dowladda Shiinaha mahad celiyey gaadiidka Ciidanka ee ay ugu deeqday ciidanka xoogga dalka.
“Dowladda shiinaha waxaa naga dhaxeeya xiriir qoto-dheer, waana kaga mahadcelineynaa garab istaaga ay u sameeyeen ciidanka xoogga” ayuu yiri Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur oo ka hadlaayay Munaasabada.
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa isna munaasabada ka sheegay in gaadiidkan lagu wareejiyey uu ku soo aaday xili si weyn loogu baahnaa.
“Dowladda Shiinaha Gaadiidka dagaal oo ay ugu deeqday ciidanka xoogga dalka, waxaa uu qeyb weyn ka qaadanaya la dagaalanka Al shabaab” ayuu yiri Taliye Odawaa oo tilmaamay in gaadiidkaan lagu wareejiyay uu kusoo aaday, xili loo baahnaa.
Danjiraha Shiinaha u fadhiya Somalia oo ka hadlay munaasabadaas ayaa sheegay in dowladiisu ay sii wadi doonto taageerada ay siiso ciidanka qalabka Sida oo uu ku amaanay sida ay uga soo dhalaaleen waajibaadka loo xilsaaray.