Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cali Kheyre oo ay wehlinayeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal sheekh Cabdiraxmaan guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahim (Muudeey) ayaa waxa ay isbitaalka ku booqdeen Xildhibaan Maxamed Mursal Maxamuud (Booroow) oo xalay ku dhaawacmay qarax loogu xeray gaarigiisa.
Booqashada ayaa waxaa sidoo kale ku wehlinayey labada golle ee dowladda federaalka Soomaaliya.
Ra’isal Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa warbixin ka dhageystay dhaqaatiir Isbitaalka oo ku saabsan dhaawaca Xildhibaanka.
Dhamaan masuuliyiintii booqday xildhibaan Booroow ayaa Alle ugu baryay inuu caafimaad taam ah siiyay.
Xildhibaan Maxamed Mursal Maxamuud (Booroow) ayaa ka mid ah mudanayaasha lagu soo doortay deegaanada Koonfur Galbeed,waxna dhaawaca xildhibaanka uu ku soo aadayaa xilli todobaad kahor Madaxweynaha hir-Shabeelle uu sheegay in amniga Muqdisho aan leysku haleyn karin,isla markaana Xildhibaanada laga doonayo inay is ilaaliyaan.