Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Abu Dhabi ee dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu kulammo kula yeelan doono madaxda ugu sarreysa dalka Imaaraadka Carabta
Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ee dalka Imaaraadka ayaa ujeedkeedu yahay xoojinta xiriirka u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah iyo sidii loo sii horumarin lahaa.
Rooble ayaa inta uu joogo Magaalada Dubai waxaa uu kulamo kala duwan la yeelan doonaa Madaxda Imaaraadka Carabta, isagoona kala hadli doona xoojinta xiriirka ka dhexeeya dowladdaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta, iyo Arrimo kale.
Socdaalka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Imaaraadka ayaa noqonaya kii u horreeyay oo Mas’uul heerkiisu sareeyo oo dowladda Federaalka Soomaaliya ka socda ku tago dalkaas, tan iyo sanadkii 2018, xilligaasoo Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyr safar ku tagay, iyadoo dhowr todobaad kaddibna uu xiriirka labada dal uu xumaaday.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa horraantii bishan Imaaraadka Carabta ka raalli geliyay dhacdadaas, isagoo balanqaaday in dib loogu celin doono lacagta lagala wareegay April sanadkii 2018, allaabadaas ayaa la tilmaamay irdaha u furtay inuu dib caadi ku soo laabto xiriirkii labada dal.