Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa hoyga uu ka deganyahay Magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay Guddoomiyaha Ahlusunna Waljameeca iyo madaxa Xukuumadda Galmudug oo booqasho ugu tegay.
Kulanka uu la qaatay Ra’iisul Wasaare Kheyre,Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir iyo Guddoomiyaha Ahlusunna Waljameeca ayaaa waxaa looga hadlay arrimo kala duwan oo quseeya Galmudug iyo kuwo kale.
Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ra’iisul Wasaare Kheyre uu Hoggaanka Ahlusunna kala hadlay tabshooyin ay qabaan iyo sidii loogu istaagi lahaa Maamul loo dhan yahay oo ay yeelato Galmudug.
Kulankan dhexmaray labada dhinac ayaa waxaa kusoo aadayaa,iyadoo dhawaan Ahlusunna shaacisay in uu burburay Heshiis dhexmaray dowladda Federaalka iyo Ahlusunna,isla markaan ku dhawaaqday dagaal.
Ahlusunna Waljameeca ayaa sidoo kale dowladda ku eedeeysay in Magaalada Dhuusamareeb oo nabad ah ay kusoo daabushay Ciidamo laga keenay Magaalada Muqdisho.