Sawirro:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo La Ciiday Qaar kamid ah Bulshada ku nool Muqdisho

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre oo maanta kormeer ku tegay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, ayaa la ciiday qaar kamid ah bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Caasimada.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa tegay goobo ay bulshada ku kulanto oo ku yaalla xaafadaha ku xeeran waddooyinka Sodonka iyo Wadnaha.

Ra’iisulwasaaraha ayaa kulamo xog-wareysi ah la qaatay qeybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo ka dhageystay talooyinkooda, isla markaasna u sharraxay qorsheyaasha dowladda ee dib u soo noolaynta kaabayaasha aasaasiga u ah dowladnimada.

Ujeedka kormeerka ra’iisul wasaaraha XFS, ayaa ahaa in uu si dhow ula socdo tabashooyinka shacabka, si loogu saleeyo wax-qabadka hay’adaha dowladda, laguna dabbaqo nidaamka isla xisaabtanka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor