Qaar ka mid ah Qurba joogta dalka dib ugu soo laabtay ayaa Maanta ka qyeb qaatay howlo Nadaafadeed oo ka socday Garoonka Kubadda Cagta Stadium Muqdisho.
Qurba Joogta oo wata dharka loogu talo galay dadka sameynaya Ol ololaha Nadaafadeed ayaa inta badan Gudaha Garoonka ka sameeyey howlo Nadaafadeed.
Waxaa ol olohaas qeyb ka ahaa wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye iyo Guddoomiye ku xigeena arrimaha Bulshada Maamulka Gobolka Banaadir Basma Caamir Shaeeti.
Garoonka Kubadda Cagta Stadium Muqdisho ayaa mudo 10 Sano ah ay xero ciidan u aheyd Ciidamada AMISOm,waxaana ka saaray dowladda Federaalka Soomaaliya,iyada oo ay socdaan qorsho dib u dhis loogu sameynayo.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Howlaha Nadaafadeed ee Stadium Muqdisho.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Howlaha Nadaafadeed ee Stadio Muqdisho.