Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa maanta kulan qado ah u sameeyay madaxweynayaasha maamul gobaleedyada oo ku wada sugan magaalada Dhuusamarweb.
Warar la helayo ayaa sheegaya madaxweynayaasha dowlad gobaleedyada ay qaateen kulan gaar ah oo looga hadlay sidii uu ku furmi lahaa Shirka,iyada oo la sheegay in ay isla garteen 11-bishaan oo ku beegan maalinta beri ah in uu furmo.
Maanta ayaa lagu weday in shirka uu furmo hase’ahaatee waxaa dib u dhigay go’aankii shalay kasoo baxay golaha wasiirada ee ku aaddanaa in aan la aqbali doonin dib u dhac doorasho iyo muddo kordhin ay sameystaan hay’adaha dastuuriga ah.
Wejiga hore ee shirka oo furmaya berri ayaa lagu lafa guri doonaa amniga dalka dooeashooyinka khilaafka dowladda iyo madaxda maamul gobaleedyada qaar ka dhaxeeya.
Lama ogo shirkaan inta maalin ee uu socon doono waxaana uu ku soo aadayaa xilli geba geba uu yahay mudda xileedka madaxda dowladda loona baahanyahay laga heshiiyo khilaafaadka siyaasiga ee ku xeeran.