Magalad Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose waxaa maanta gaaray oo siweyn loogu soo dhaweeyay Cabdi Kariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax oo ka mid ah Saraakiisha Ururka ONLF.
Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland iyo Shacabka Magalada Kismaayo ayaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeysy Qalbi-Dhagax,iyada oo intaasi kadib la geeyay Xarunta Madaxtooyada Jubbaland.
Qalbi-Dhagax ayaa waxaa uu maalmahaan booqasho ku marayay deegaano ka tirsan Maamulada Galmudug iyo Puntland,waxaana uu ku sugnaa Magalada Dhuusamareeb balse uu maanta gaaray Magalada Kismasyo.