Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya mudane Xasan Cali kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib booqasho ay ku tageen dalka sacuudiga.
Wafdiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan-cadde ku soo dhaweeyay Xildhibaano iyo Xubno ka tirsan golaha Wasiirada Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa intii uu ku sugnaa dalka sacuudiga waxan uu la kulmay Boqorka dalkaas Boqor Salman bin Abdulaziz Al Saud iyo Dhaxal-sugida dalka Sacuudiga Mohammed bin Salman bin Abdulaziz.
Shalay oo Khamiis aheyd ayaa Ra’iisul Wasaare kheyre uu soo cumraystay, waxa uuna intii uu ku sugnaa Xaramka uu ra’iisul wasaaruhu u duceeyay ummadda Soomaaliyeed,waxana ugu dambeyn uu Maanta dib ugu soo laabtay Magalada Muqdisho.