Boqolaal ka mid ah Dhalinyarada ku nool Gobolkan Banaadir ayaa Maanta waxa ay tageen Xarunta Maamulka degmada Howl-Wadaag halkaas oo shalay lagu weeraray qaarx ismiidaamin ah.
Dhalinyarada ayaa bilaabey ol ole nadaafadeed oo ay ka sameeyeen xarunta degmada howl-Wadaag iyo Dugsi Qur’aan iyo Masjid ku bur buray qaraxii shalay ee Xarunta degmada howl-Wadaag.
Qaar ka mid ah Dhalinyarada ka qeyb qaadaneysay gurmadkaas ayaa waxa ay sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin tallaabada ay ugu gurmanayeen dadkii ku waxyeeloobay qarixii shalay iyo burburkii uu u geystay Xarunta degamda iyo Dugsiga Qur’aan iyo Masjidka.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng,Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa uga mahad celiyey Dhalinyarada sida ay uga qeyb qaateen Nadiifintii goobihii ku burburaya qarixii Xarunta Maamulka degmada Howl-Wadaag.