Sawirro:-Muwaadin Somaaliyeed oo Maanta la soo taagay Maxkamad ku taalla Australia

Boliska Australia waxay gacanta ku dhigeen Nin Somali ah oo la sheegay inuu qorsheynayey inuu weerar ka geysto Fagaaraha Federation Square ee magaalladda Melbourne oo ah magaalladda Labaad ee ugu weyn dalka Australia,

Eedeysanaha oo magaciisa lagu sheegay Ali Khalif Shire Ali ayaa la sheegay inuu iibsanayey Qori uu doonayey inuu ku dilo dadka ka soo qeyb geli lahaa Munaasabadda loogu dabaal degayo sannadka soo socda ee 2018-ka.

Ali Khalif Shire Ali oo 20-jir ah waxa uu maanta oo Talaado ah ka soo hor muuqday Maxkamadda magaalladda Melbourne waxaana lagu soo oogay inuu qorsheynayey inuu geysto Fal Argagixiso iyo inuu haystay Dukuementiyadda laga barto Weeraradda Argagixisada.

Dadka lagu helo Dembiyadaasi  .gudaha dalka Australia waxay muteysan karaan xukun Xabsi Daa’in ah.

Eedeysanaha ayaa la sheegay inuusan qiranin Dembiyadda lagu soo oogay, isla markaana ma codsanin in Damiin lagu sii daayo.

Eedeysnaha oo ku dhashay, kuna koray dalka Australia ayaa la sheegay inay Ciiddanka Ammaanka ku raad-joogeen tan iyo bilowgii sannadkan, waxayna gacanta ku soo dhigeen shalay xilli uu doonayey inuu si sharci-darro u iibsado qori nooca Darandooriga u dhaca.

Dalka Australia waxaa mamnuuc ka ah in si gaar ah loo iibsado qoryaha.

Taliye-xigeenka Gobalka VICTORIA, Shane Patton waxa uu sheegay inuu Cali Cali ka soo degsaday Websaytka Kooxda Al-qaacidada Gacanka Carbeed Tilmaamaha qaabka loo isticmaalo qoryaha iyo habka loo fuliyo Weeraradda Argagixisadda, waa sida uu hadalka u dhigay.

Boliska Australia waxay kaloo shalay heleen Fasax ay ku baari karaan Kombiyuutarka Eedeysanaha iyo Guriga uu la deganaa Qoyskiisa iyo Goob Ganacsiga Kombiyuutarada ee uu ka shaqeyn jirey.

Si kastaba ha ahaatee, Eedeysanahaasi ayaa la sheegy inuu yahay qofkii 74-aad ee lagu xiro dalka Australia, laguna soo oogo falal Argagixiso.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media