Musharax Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed ahaana wasiirka Tamarta iyo Biyaha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Maxamed ( Lafta Gareen) ayaa Maanta Baydhabo kula kulmay guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed.
Musharax laftagareen ayaa booqday Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif Sheekhuna Maye,waxaana uu kulan la qaatay guddoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen.
Kulanka ayaa waxa ay uga hadleen doorashooyinka ku soo fool leh Koonfur Galbeed iyo sidi ay ugu dhici laheyd si wanaagsan.
Musharax laftagareen ayaa guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed u sheegay inay muhiim tahay in uu isbedel dhanka hoggaanka ah uu ka dhaco Koonfur Galbeed.
Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ku wehlinayay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya oo maalmahaan ku sugnaa Magalada Baydhabo,isla markaana musharaxa dhawaan horay u raacay.