Fayras ka dillaacay xarun caafimaad oo ku taalla New Jersey ayaa dilay lix carruur ah isla markaasna saameeyay in kabadan toban ilmood oo kale.
Masuuliyiinta dawladda ayaa Talaadadii xaqiijiyay 18 kiis, waxaana ka mid ah carruur xannuunsan oo ku jiray xarunta caafimaadka ee Center for Nursing and RehabilitationFayraskan carruurta ku dhacay ayaa keena xanuun, carruurta in laga daweeyana ma sahlana, sida ay masuuliyiintu sheegeen.
Xukuumadda ayaa baaritaan wadda, xarunti caafimaadka fayrasku ka dilaacay ayaana hadda laga hor istaagay in bukaan cusub la geeyo.
Fayraskan carruurtan ku dhacay “wuxuu si wayn u waxyeeleeyaa hannaanka difacooda.” sida ay waaxda caafimaadku sheegtay.
XIGASHO BBC