Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ayaa Isbitaalada Magaalada Muqdisho ku booqday dadkii ku dhaawacmay weerarkii xalay lagu qaaday Maqaayada Hilaac UK eek u taalla Wadada Maka Al-mukarama.
Xasan Sheekh iyo Xildhibaanda ayaa booqday Isbitaalka Digfeer,isagoona halkaasi dhiig ugu shubay dadkii ku dhaawacmay weerarkii ka dhacay Magaalada Muqdisho.
Maqaayada Hilaac UK iyo dhismayaal kale oo ku yaalla Wadada Maka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho ayaa rag ka tirsan Al-shabaab wax ay ku qaadeen weerar ku bilowday qarxyo,waxaana ilaa iyo haatan la maqlayaa rasaas ka dhaceysa halkaasi.
Weerarka ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac,waxaana dadka dhintay ay ka badan yihiin 15 qof,halka dhaawacana uu maro in ka badan 40 ruux.
Al-shabaab ayaa sheegaty Mas’uuliyadda weerarkaasi,isla markaana sheegay in rag ka tirsan iyaga ay ka dhex dagaalamayaan dhismo ku yaalla Wadada Maka Al-mukarama.