Sawirro: Madaxweyne Guudlaawe oo Maanta gaaray degaanka Masaajid Cali Guduud

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray deegaanka masaajid Cali Guduud ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa waxaa safarka uu ku tegay Cali Guduud ku wehlinaayay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Cabdi Fitaax qaasim Maxamuud iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Janaraal Odawaa Yuusuf Raage.

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa waxaa Cali Gaduud kusoo dhoweeyay qeybaha kala duwan ee Ciidamada Qalabka sida, waxa uuna bogaadiyay guulaha laga gaaray howlalada lagula dagaalamayo Al-shabaab ee ka socda Gobolka.

Ujeedka Madaxweynaha Hirshabeelle,  Taliye Odawaa iyo Wasiir ku-xigeenka Gaashaandhigga Xukuumadda ee Cali Guduud ayaa waxaa uu yahay dardar-gelinta howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab.

Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa deegaanka ee macwiisleyda ah ayaa dhawaan la wareegay gacan ku heynta deegaanla masaajid Cali Guduud ee Gobolka Shabeellaha Dhexe oo sanno badan gacanta ay ku haayeen Shabaabka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor