Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qasriga uu ka dagganyahay Magaalada Makkah waxaa uu kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Malaysia Marwo Wan Azizah Wan Ismaaciil.
Kulanka uu Madaxweyne Farmaajo la qaatay Marwo Wan Azizah Wan ayaa waxaa ku wehlinayay xubno kamid ah wafdigiisa,isla markaana waxaa kulanka looga hadlay arrimo kala duwan.
Labada dhinac ayaa waxaa ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada dhaqaalaha, horumarinta iyo waxbarashada farsamada gacanta.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Magaalada Barakeysan Makka ee dalka Sacuudiga uga qeyb galay Meertada 14aad ee Shir-madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamka kaasoo diiradda lagu saarayay iskaashiga, amniga iyo horumarka dalalka Islaamka.