Kulanka ayaa intiisa badan waxaa looga hadlay sidii Maxkamadaha iyo dhamaan Hay’adaha Cadaalada dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka ka jira ay u wada Shaqeyn lahaayeen..
Sidoo kale waxaa looga hadlay Muhiimada iyo miisaanka ay leedahay Isdhexgalka Bulshada Soomaaliyeed iyadoo madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya uu amaanay sida dadka Soomaaliyeed ee reer Puntland u jecel yihiin Soomaalinimada iyo isdhexgalka bulshadda.
Madaxweyne Farmaajo ayaa maalmaha uu ku sugan yahay deegaanada Maamulka Puntland waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa madaxda Puntland iyo waxgaradka iyo qeybaha kale ee Bulshada
Hoos Ka Daawo Sawirrada