Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa caawa gaaray Magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka Kenya,iyadoo halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyay.
Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa markii ay gaareen Garoonka diyaaradaha Kenya ee Jomo Kenyatta waxaa ku soo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan dowlada Kenya iyo xubno kale.
Sidoo kale waxaa lagu wadaa in maalinta berri ah Magaalada Nairobi ay kula kulmaan Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta.