Sawirro:- Madaxweynaha Jubbaland oo guddoomiyay Shirka golaha Wasiirada oo looga hadlay arrimo kala duwan

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.

Ugu horayn Madaxweynaha ayaa ka warbixiyay Xaalada Siyaasada dalka iyo wada shaqayn la’aanta Dowlada Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah oo saamayn ku yeelatay Arimaha amaanka dalka iyo hanaanka doorashooyinka taas oo ilaa hada aan wax hormar ah laga samaynin.

Dhinaca kale Gudiga dakhliga ayaa laga dhagaystay Warbixin la xiriirta Xaalada dhaqaalaha iyo sidii loo dardar galin lahaa iyadoo Madaxweynahu uu faray in hanaanka canshuuraha iyo dakhli abuurida la dardar galiyo Sanadkan bilowga ah.

Wasaarada Xanaanada xoolahana waxaa laga dhagaystay warbixin la xiriirta shir lagaga hadlayay hanaanka talaalka xoolaha iyo sidii loogu mari lahaa qaab lagula socdo caafimaadkooda iyadoo la fulinayo dhamaan talaalada xoolaha si caafimaadka xoolaha nool loola socdo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media