Ibraahim Cali Aadan (Najax) oo ah Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa uu kulan la qaatay Saraakii ka tirsan Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.
Kulankan u dhexeeyay Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose iyo Madaxda AMISOM ayaa waxaa looga hadlay arrimo kala duwan oo ay qeyb ka ahaayeen howlgaladii ugu dambeeyay ee Al-shabaab looga saaray deegaano ka tirsan Gobolka iyo arrimo kale.
Sidoo kale kulanka ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ahna Madaxa AMISOM Ambassador Francisco Madeira,Mas’uuliyiin ka socotay Maamulka Koonfur Galbeed iyo xubno kale.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Cali Aadan (Najax) ayaa u mahadceliyay MadaxDII kulanka ka qeyb gashay,isla markaana waxaa ay isku raaceen in horey loo sii wado howlgalka ka socda Sh/hoose.
Deegaano muhiim ah oo ka tirsan Shabeellaha Hoose oo in muddo ah ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa waxaa dhawaan ka saaray Ciidanka Danab ee dowladda Soomaaliya,kuwaasi oo kaashiyay Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM,waxaana jira weli deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose oo ay Al-shabaab gacanta ku hayaan.