Sawirro:- Maamulka G/Banaadir oo howlgal waddo furis ah ka sameeyay degmada Warta Nabadda

Masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta kormeeray xaafado ka tirsan degmada Warta-nabadda ee gobolka Banaadir taas oo laga sameenayay ololo nadaafadeed iyo burburin dhismayaal sharci darro ah.

Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka BANAADIR Maxamed C/llaahi Tuulax guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada gobolka Basmo Caamir Shakeeti iyo gddoomiyaha degmada Warta-nabadda ayaa si wadajir ah u sheegay in aan la aqbali doonin dhismo kasta oo sharci darro ah sida ay hadalka u dhigeen amniga iyo nafaadana ay wax u dhimayaan dhismooyinkas.

Howlgalka Burburinta ah ayaa ka dhacay xaafadda Xamar-bile ee degmada Warta-nabadda,iyada oo masuuliyiintaan ay sheegeen in lagu guuleystay in la baneeyo jidadka qaar ee xaafadahaas oo guryo laha dhisay.

Dhinaca kalana guddoomiye ku-xigeenka siyaasadda iyo amniga gobolka Banaadir oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in sidaan oo kale loo burburinayo dhismayaasha aan sharciga aheyn,kuwaas oo waxyeelanaya amniga iyo nadaafadda sida uu hadalka u dhigay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media