Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaaro geystay oo Caawa ka dhacay Dalcada Xaafada Taleex degmada Hodan ee gobolkan Banaadir,kaas oo la sheegay in lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda
Qaraxa ayaa dad goobjoogayaal ah waxa ay sheegeen in uu ahaa Miino bac lagu riday,isla markaana la dhigay Wadada dhinaceeda meel u dhow farmashiyo kulmiye,balse xilli uu Wadada marayey Gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan dowladda la qarxiyey.
Qaraxa ayaa inta la xaqiijiyey waxaa ku dhaawacmay saddex ruux oo laba ka mid ah ay ahaayeen dad saarnaa Mooto bajaaj halka qofka kale uu ahaa Haweeney Caano ku iibineysay Wadada dhinaceeda.
Gaariga wadada marayey oo ay saarnaayeen ciidamada dowladda ayaa la sheegay in uu socdaalkiisa iskasii watey,iyada oo aan wax khasaaro ah ka soo gaarin qaraxaas.
Wararkii u dambeeyey ee haatana nasoo gaaraya ayaa wax ay sheegayaan in xaalada goobtii uu qaraxa ka dhacay ay tahay mid wanaagsan,isla markaana isku-socodka dadka iyo Gaadiidka ay dib u soo laabteen maadaama ay hakad galeen markii uu qaraxa dhacay.