Gelinkii dambe ee Maanta ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ka degtay diyaarad sidey taliyaha NISA ee dowladda Soomaaliya u Magacaawday Jubbaland iyo ku xigeenkiisa.
Labada Sarkaal ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha Kismaayo ku xirey Ciidamada nabadsugida Jubbaland,waxana lagu kala Magacaabaa Cali Mire Ducaale oo ah taliyaha iyo ku xigeenkiisa Maxamed Ibraahim,iyaga oo Caawa ku hoyanaya Xabsi ku yaalla Garoonka Kismaayo.
Saraakiil ka tirsan Nabadsugida Jubbaland ayaa waxa ay sheegeen in labadaasi Sarkaal ay iminka Gacanta ku hayaan,isla markaana ay u xireyn sababo amni darted.
“Hay,adda Nabad suggida iyo sirdoonka Jubbaland oo ah Hay’ad taliska dhismeheeda iyo kan ciidanba dhameystiranyahay ayaa gacan bir ah ku dhigtey Amniga gudaha Dowlad goboleedka Jubbaland taas oo keentey xasiloonida iyo Amniga ka jira Jubbaland ee ay bulshada reer Jubbaland kuwada naaloonayaan .
Sidoo kale Saraakiishu waxa ay sheegeen in Dowladda Soomaaliya ay tahay mid ka soo horjeeda Maamulka Jubbaland iyo horumarka ka jira Waa sida ay hadalka u dhigeyn.
13kii Bishii Luulyo ee sanadkan ayay aheyd markii ay sidaan oo kale Ciidamada Dowlad goboleedka Jubbaland isla garoonka Kismaayo ay diyaarad uu saarnaa ku celiyeen Gen.Cali Bogmadow oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u magacowdey qeybta 43aad ee Ciidanka xooga dalk,wallow markii dambe uu ka degay Magalada baardheere.