Sawirro:-Gudoomiye ku xigeenka Amniga & Siyaasada G/Banaadir oo hubiyay xaalada Amni ee Xarunta Dowladda Hoose

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdulaahi Maxamed Tuulah ayaa howla kormeer ah ku sameeyay qeybaha laga soo galo xarunta Aqalka Dowlada Hoose ee Xamar iyo Koonralooadooda oo ay ku suganyihiin Ciidamada Amniga gaar ahaan Ciidamada Boliiska Soomaaliyed.

Gudoomiye Tuulax ayaa inta uu kormeer kujiray waxuu warbixin amniga ku saabsan ka dhageystay  Taliyaha Xarunta Aqalka Dowlada Hoose Xamar Axmed Baashane, waxaana uu hufan u qeexay in Ciidanka Illaalada Xarunta Gobolka ay si wanaagsan u gutaan waajibaadkooda.

Mudane Tuulax ayaa sii wadi doona kormeerada Xafiiska sida gaarka ah u hoosyimaada Maamulka gobolka Banaadir,waana tallaabadii ugu horeysay ee amniga la xiriira ee uu sameeyay gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada ee Maamulka gobolka Banaadir.

Hoos Ka Daawo Sawirrada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media