Ciidamoka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ee ku sugan Isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta rasaaseeyay Gaariga Hanti-dhowraha Qaranka Maxamed Maxamuud Cali(Afgooye)
Gaariga oo ahaa Nooca aan Xabada Karin ee loo yaqaano Bullet buruuf ayaa xiliga la rasaaseynayay waxa ay goobjoogayaal sheegeen in uu doonayay inuu xoog ku maro Koontoroolka ay ciidamadu ku leeyihiin Isgoyska Sayidka isla markaana dadka lagu baaro.
In kastoo Hanti dhowraha uusan saarneyn xiligii la rasaaseynayay gaariga ayaa hadana waxaa la sheegayaa in ay lugaha ama taayarada ka banjareyn,isla markaana Goobtii lagu rasaaseeyay uu yaallo.
Darawalka wada Gaariga ayaa diiday in uu albaabada furo maadaama gaariga laga shakiyay,waxana rasaasta loo adeegaday ay aheyd Hubka culus ee laga tuuro Gaariga loo yaqaano Cabdi Bilaha,balse lama sheegin khasaaro nafeed oo ka dhashay.
Xiriir aan la sameynay Hanti Dhowraha Qaranka ayaan weli noo suurtagelin si aan wax uga weeydiino dhacdadaas.
Hoos Ka Daawo Sawirrada Gaariga oo yaalla goobtii lagu rasaaseeyay.