Khasaaro ayaa ka dhashay qarixii Maanta ka dhacay agagaarka Tiyaatarka Qaranka ee Magalada Muqdisho kaas oo inta badan jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir.
Qaraxa ayaa ahaa Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa,kaas ku qarxay meel u dhow Tiyaatarka Qaranka gaar ahaan kasoo horjeedka Madxafka Qaranka oo uu ku yaallo koontorool ay Ciidamada Dowladda Gawaarida ku baaraan.
Wararka qaarkood aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxa labaad ee ka dhacay agagaarka Taalada Daljirka uu ku dhaawacmay Guddoomiye kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Tuulax.
Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi tuulax ayaa watay Gaari kale oo Hilux ah,hayeeshee Gaariga Cabdi Bilaha ay ay saarnaayeen ilaaladiisa.
Ilo ku dhow dhow Guddoomiye Tuulax ayaa Dalsan waxa ay u sheegeen in qaraxa uu dhaawac aad u fudud kasoo gaaray,hayeeshee inta badan Ilaaladii saarneyd gaariga uu watay ay geeriyoodeen.