Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gaari loo adeegsaday oo ka dhacay Agagaarka Tiyaatarka Qaranka ee Magalada Muqdisho,kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.
Qaraxa ayaa waxa uu sigaar ah uga dhacay Bar-koontorool oo ku taalla kasoo horjeedka Madxafka Qaranka una dhow Tiyaatarka Qaranka,waxana sidoo kale halkaasi ku yaalla Maqaaxi Shaaha laga cabo iyo Kaalin Shidaal.
Sidoo kale waxaa halkaasi ku yaalla goobo Ganacsi,waxaana koontoroolka uu qaraxa ka dhacay Gaadiidka u socda dhinaca Madaxtooyada ku baara Ciidamo millateri ah gaar ahaan kuwa Koofi Caste ee Ilaalada Madaxtooyada.
Gawaarida gurmadka deg dega ee Ambalaasta ayaa goobta gaaray,si ay ugu gurmadaan dadka ku waxyeelboobay qaraxaas,waxana goobta xiray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.
Faah faahinta Warkaan kala socda Radiodalsan.com