Gudoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqa Muqdisho Taabit Cabdi Maxamed ayaa Maanta gaaray dalka Turkiga.
Taabit Cabdi Maxamed ayaa waxaa Turkiga ku soo dhaweeyay Masuuliyiin, Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas iyo sidoo kale Wariyayaal.
Taabit oo weli Xiran Calaamadii Gaduudneyd ee uu xirtay kadib qarixii Zoobe ee 14-kii Octoper ayaa inta uu ku sugan yahay Turkiga waxa uu Isbitaalada ay jiifaan uu ku booqan doonaa dadkii uu halkaasi horay ugu diray intii uu xilka haayay ee uu damaanad qaaday qarashka ku baxaya Caafimaadkooda.
Hoos Ka Daawo sawirrada Soo Dhaweynta Taabit Cabdi Maxamed.