Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duwa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish ayaa kormeer ku tegag goobo si sharci darro ah loogu shubo qashinka laga qaado xaafadaha magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha ayaa kormeer uu ku tegay goobo qashinka lagu shubo oo ku dhow deegaanka Jasiira ee duleedka Muqdisho,isaga oo sheegay in ay cabasho uga timid shacabka degan halkaas iyo dad ganacsata ah oo wada qorshe xaafad casri ah looga dhisayo deegaankaas.
Isaga oo la hadlayay shirkadaha u xilsaaran in ay qashinka ka aruuriyaan xaafadaha magaalada ayuu tilmaamay in aysan jirin cid dhigi karta halkaas qashin iyada oo laga fakarayo caafimaad qabka dadka iyo bilicda deegaanka.
Dhinaca kalana waxaa iyana uu kormeer kale uu ku tegay deegaanka Gubadley ee waqooyiga magaalada Muqdisho waxaana uu digniin culus u dirag dadka Xeebta ku daadiya qashinka.