Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta markale booqday dhismaha qadiimiga ah ah ee wasaarada arimaha gudaha ee degmada Boondheere halkaas oo laga soo saar meydka gabar 15-Jir ah oo uu kusoo dumay dhismahaasi.
Waaxda gurmadka deg dega ah ee dabdamiska dowlada Hoose Xamar iyo bulshada ku dhaqan Waaxda Yuusuf Alkowneen ee Degmada Boondhere ayaa shalay ku guuleestay bad-baadinta laba ruux oo uu kusoo dumay dhismaha guri ay ku noolaayeen.
Duqa Muqdisho Ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) oo xalay kormeeray xaafadaha ay sameeyeen roobabkii ka da’ay Caasimadda Muqdisho.
24-kii saac ee la soo dhaafay Magaalad Muqdisho waxaa ka da’ay roobab xoogleh, kaasi oo lagu diirsaday, inkasta oo ay jiraan qoysas danyar ah oo uu saameeyay roobka iyo Waddooyinka waaweyn ee Caasimadda, waxaana uu dhigay biyo badan, isla markaana waxaa aad u adeg inay maraan gaadiidka noocyadiisa kala duwan.