Gelinkii dambe ee Maanta ayaa Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho waxaa kasoo degtay diyaarad sida qaar kamid dadkii ku dhaawacmay weerarkii xalay ka dhacay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.
Diyaaradan ayaa dadka kasoo qaaday Koonfurta Gaalkacyo, kuwaasi oo la sheegay in xaaladooda ay aad u culus tahay, isla markaana ay u baahan yihiin daryeel Caafimaad in loo sameeyo.
Sidoo kale dhaawacyadan ayaa waxaa durbo la geeyay Xarumaha Caafimaad ee ku yaalla Magaalada Muqdisho si loogu daaweeyo xaaladooda Caafimaad.
Qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarax ayaa xalay lagu weeraray kolonyo uu la socday Taliyaha Ciidanka Lugta ee Xoogga dalka xili ku sugnaa afaafka hore ee hotel ku yaalla Koonfurta Gaalkacyo.
Weerarkaas ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana halkaas ku geeriyooday in ka badan 10 ruux, halka 20 qof kalena ay ku dhaawacmeen.
War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Internet-ka Al-shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarkii xalay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.