Waxaa Maalintii labaad Magalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ka dhacay banaanbax ay dhigayeen qaar ka mid ah taageerayaasha Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar.
Talaadadii la soo dhaafay ayaa Ciidamada federaalka Itoobiya waxa ay xireen Cabdi Maxamuud Cumar Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka kaas oo xeer ilaalinta Itoobiya ku eedeysay tacadiyo uu geystay intii uu xukunka hayay.
Dadka banaanbaxa jigjiga ka dhigay ayaa waxa ay ka caroodeen xariga Cabdi Maxamuud Cumar,waxa ayna wateen Warqado ay ku qoran yihiin free Cabdi Maxamuud oo ah hala siidaayo,waxaana amaanka sugayey Ciidamo ka tirsan kuwa liyuu boolis.
Qaarkood ayaa waxa ay ku dhawaaqayeen ma aqbaleyno in la xiro Cabdi Maxamuud Cumar iyo Erayo kale.
Shalay oo Arbaco aheyd ayaa waxaa Maxkamad ku taalla Adis Ababa la soo taagay Cabdi Maxamuud Cumar iyo lix ka mid ahaa maamulkiisa in kastoo weli aan xukun lagu ridin.