Wararka naga soo gaaraya deegaanka Kaxandhaale ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in Maanta halkaas ay gaareen Ciidamo isugu jira Boolis iyo Millateri si ay u kala dhex galaan Maleeshiyo beeleed halkaasi ku dagaalamay.
Saraakiisha halkaas gaartay waxaa ka mid ah taliyaha ciidmada Nabadsugida Galmudug Cabdi Dheere iyo masuuliyiin kale .
Xaalada deegaanka Kaxandhaale iyo deegaanada kale ee lagu dagaalamay ayaa ah mid degan markii loo eego dagaalkii cuslaa ee shalay deegaanadaas ka dhacay,kaas oo dhexmaray labada maleesheyo beeleed.