Warbaahinta dalka Nigeria ayaa sheegtay inuu geeriyooday Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Al-xaaji Shehu Usmaan Caliyu Shagaari, kaasi oo Talada dalkaasi hayey muddadii u dhexeysay bishii October 1-dii ee sannadkii 1979-kii ilaa bishii December 31-dii ee sannadkii 1983-dii.
Marxuumka oo 93-jir ahaa waxa uu xalay ku geeriyooday Isbitaalka Qaranka ee ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Abuja.
Sida laga soo xigtay Curudkiisa oo lagu magacaabo Bello Shagaari waxa uu sheegay inuu aabihiisa geeriyooday, kadib, markii uu wax yar xanuunsaday.