Sawirro:-Ciidamo dhamaystay Hawlgalkii ay Somalia u joogeen oo la abaal mariyey

Wargeyska New Vision ee ka soo baxa Kampala ayaa qoray inay Saraakiisha Midowga Afrika ee ku sugan Somalia ay abaalmarin Billado ah guddoonsiiyeen Ciiddan ka socday Uganda, kuwaasi oo muddo hal sanno qeyb ka ahaa Ciiddanka Hawlgalka AMISOM.

Munaasabad lagu abaalmarinayey Ciiddankaasi oo ah Kooxdii 23-aad ee ka socotay Ciiddanka Uganda ayaa lagu qabtay Xarunta AMISOM oo ku taalla Xeradda Xalane ee magaalladda Muqdisho.

Ciiddankaasi  waxay Somalia joogeen tan iyo bishii Janaayo 1-dii ee sannadkan, waxaana Taliye u ahaa Sarkaal lagu magacaabo Kolonel Eliazari Zake Okolong.

Hdaal qoraal oo uu soo saaray Ku-xigeenka Afhayeenka Guud ee Ciiddanka Uganda, Kolonel Deo Akiiki  waxa uu ku sheegay in Ciiddankaasi abaalmarinta lagu siiyey Munaasabad aad u qurux badan oo lagu qabtay Xarunta Dhexe ee Ciiddanka Uganda ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM.

Danjiraha Uganda u jooga Sonalia, General Nathan Mugisha waxa uu Ciiddankaasi ku bogaadiyey Hawshii wanaagsan ee ay qabteen muddadii ay qeybta ka ahaayeen Hawlgalka AMISOM.

Munaasabadda Ciiddankaasi lagu guddoonsiiyey Abaalmarinadda waxaa goobjoog ka ahaa Hawl-fuliyaha Milliteri ee Safaaradda Uganda iyo Saraakiil ka kala socday QM, AU-da iyo Taliska Ciiddanka AMISOM.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor