Sawirro:-Ciidamada Amniga oo Muqdisho ku qabtay Koox Burcad ah

Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ayaa howlgal ay manta ka sameeyeen waax ka tirsan degmada Hodan ee Gobolka Banaadir wax ay gacanta ku dhigeen Koox burcad ah oo dadka dhici jiray.

Kooxdaan gacanta lagu dhigay oo laba ayaa watey mootooyin,kuwaas oo xilliga la qabanyey dhac u geysanayey Ardayda ka soo baxda Jaamacadaha sida uu sheegay Guddoomiyaha degmada Hodan Maxamed Axmed Cantoobo.

“Hay’adaha Amniga Degmada Hodan oo Gacanta ku dhigay Rag mootooyin watay oo dhac u geeysanayay arday kasoo baxday Jaamacad, ciidanka roonadada ayaa ka dul dhacay tuugadoo falkaas foosha xun ku guda jira.

Sikastaba Ciidamada amniga Soomaaliya oo maal mihii la soo dhaafay waxa ay howlgallo ay ka sameeyeen degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir,iyaga oo ku soo qabtay rag hubeysan oo ku guda jiray falal la xiriira amnidarro.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media