Garoonka Jomo Kenyatta International Airport ee magaalladda Nairobi ayaa la sheegay inay ku xaniban yihiin boqolaal rakaab ah oo ka dhoofi lahaa Garoonkaasi.
Shaqaalaha Garoonka ayaa ku dhaawaaqay shaqo-joojin, iyadoo Ciiddanka Boliska ee ka-hortaga rabshadaha loo soo daad-gureeyey si ay u kala cayriyaan shaqaalaha gadoodsanaa.
Dadka Rakaabka ah ee ku xariyan Garoonka Jomo Kenyatta ayaa isugu jira Somali iyo Ajaanib,kuwaasi oo qaarkood ay ku sii jeedaan dalal ay kamid yihiin Yurub iyo meelo kale.
Hadal ka soo baxay Maamulka Garoonkaasi waxay sheegeen inay Shaqo-joojintaasi tahay mid sharci-darro ah, waxayna dadka rakaabka ku wargeliyeen saqdii dhexe ee xalay inaysan ku soo lug go’in Garoonka, maadaama aysan wax shaqo ah ka soconin.
Rakaabkii maanta sugayey Duullimaadyada oo saacado badan ku xanibnaa Graoonka ayaa loo sheegay inay ka baxaan Garoonka, balse waxay buux-dhaafiyeen Barxadda iyo goobaha dadka lagu sugo ee duleedka Garoonka Jomo Kenyatta oo ah kan ugu weyn Garoomadda ku yaalla dalalka Afrikada Bari.