Waxaa sii xoogeystay Dibadbaxyada looga horjeedo dowladda Federaalka Soomaaliya ee ka socday Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah dowlad Goboleedka Jubbaland ,kaasi oo ay dhigayaan boqolaal shacab ah.
Boqolaal shacab oo isugu jira Odayaal,Dhalinyaro iyo Haweeyn ayaa isugu soo baxay bartamaha Kismaayo,kuwaasi oo aad uga careysan Go’aankii dowladda ee ahaa in diyaaradaha ka yimaada kuna socda Kismaayo inay soo maraan Magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Dadweynaha dibadbaxa dhigayay ayaa socod dheer ku soo maray wadada halbowlaha u ah Kismaayo,iyagoo watay boorar ay ku qoran yihiin Erayo ay kamid ah yihiin “Go’doomin Gobol guul miyaa” iyo kuwo kale oo ah “Diyaarad joojin Dowladnimo miyaa” iyo “Federaalka faham buu kaa rabaa”.
Waxaa xiran dhammaan dhaqdhaqaaqii ganacsiga eek a jiray Kismaayo,waxaana xaalada ka jirta halkaas ay tahay Maanta mid aada u kacsan sida dad goobjoogayaal ay soo sheegayaan.
Si kastaba Banaanbaxaan ka socda Magaalada Kismaayo ayaa waxaa kusoo aadayaa,kadib markii Khamiistii la soo dhaafay Hay’adda Duulista iyo Saadaasha Hawada dowladda Soomaaliya ay soo saartay amar ku saabsan in diyaaradaha ka yimaada kuna socda Kismaayo inay soo maraan Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.