Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa banaanbax rabshado watay ka dhigay qaar kamid ah Darawallada Mooto Bajaajta ee ka shaqeeysa gudaha Magaalada.
Banaanbaxayaasha ayaa Isgoysyada qaar waxa ay ku gubeen taayaro waaweyn,isla markaana aad ugu careeysnaa Dil duhurnimadii Maanta askari ka tirsan Ciidamada Canshuurta qaada ee loo yaqaano Minashiibiyo uu Darawal Mooto Bajaaj ugu geystay degmada Waabari ee Gobolka Banaadir.
Sidoo kale waxaa la sheegay in dadka dhigaayay banaanbaxa isgoysyada qaar ee Muqdisho ay xireen,iyagoona u diidayay inay maraan wadada gaadiidka dadweynaha saaran yihiin iyo kuwo gaarka loo leeyahay intaba .
Meelaha qaar ayaa Maanta waxaa hakad galay isku socodka dadka iyo gaadiidka,waxaana goobahaas gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo markii dambe dib u furay wadada..