Waxaa caawa banaanbax  ballaaran uu ka socdaa koonfurta Magaalada gaalkacyo, kaasi oo dhigayan dhalinyaro iyo qaar kamid ah ganacsatada Magaalada Gaalkacyo.
Banaanbaxan ayaa waxaa looga soo horjeedaa maleeshiyo labo maalin xanibay gaadiidka isaga kala goosha wadada dheer ee xiriirisa Koonfurta iyo Waqooyi Magaalada gaalkacyo.
Qof kamid ah dadka banaanbaxa dhigaya oo la hadlay dalsan ayaa u sheegay in maleeshiyo hubeysan oo ka careysan maxaabiis uga xiran hargeysa iyo garoowe oo reer galmudug ah ay wadada u xiran tahay,isla markaana gaadiid badan ay u xaniban yihiin.
Gaadiid badan oo ay saaran yihiin xoolo iyo iyo badeecooyin oo ay leeyihiin dad ganacsato ah ayaa waxa ay ku xaniban yihiin duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug muddo labo maalin ah,waxaana weli ka hadlin mamulka gobolka Mudug iyo kan Degmada Gaalkacyo.